Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shir degeg ah ugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada.
Shirkii golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlay arrintan. “Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u direen Madaxda dowlad goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wada shaqeynta” ayaa lagu yiri War kasoo baxay shirkii Golaha Wasiirada.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Madaxda maamul goboleedyada loo diray casuumaad inay yimaadaan Muqdisho, iyadoo aan waqti loo qaban xilliga uu shirkaasi dhacayo.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul Goboleedyada la marti qaaday aanu ka mid ahayn madaxweynaha Galmudug oo qaar kamida xildhibaannada maamulkaasi ay xilka ka qaadeen.
Xukuumadda Federaalka ayaa hore u soo dhoweysay xil ka qaadistii lagu sameeyay Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), taasoo laga cabsi qabo inay caqabad ku noqoto shirka ay qabanqaabineyso dowladda Federaalka ee lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco.
Goobjooge