Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka ayaa soo saaray Qaraar la sheegay in lagu maamulayo Maaliyadda dalka, loogana hortegayo Musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda Federaalka.
Qaraarkan oo xambaarsan hab-dhaqan lasoo rotay iyo sharci cusub oo la sameynayo, ayaa waxaa ka mida qodob lagu sheegay in dhammaan madaxda, wasiirada, saraakisha sare iyo mas’uuliyiinta Dowladda ay marayaan DHAAR ah inay fiican u maamulayaan hantida dadweynaha.
“Dhammaan wasiirada xukukmada federaalka Somaaliya, Madaxda, Saraakiisha Sare, Xoghayeyaasha joogada ah, Agaasimeyaasha heerarka kala duwan ee Wasaaraha iyo Hay’adaha kale ee dowladda waxay marayaan Dhaar ku saabsan inay si hufan oo Daacadnimo leh ay u maareynayaan Hantida dadweynaha, una u gudanayaan xilalkooda” ayaa ka mid ahaa Qaraarka xukuumadda oo uu taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale go’aanada Golaga Wasiirada waxaa ka mida in Xubnahan ay caddeynayaan hantida ay leeyihiin, ayna ka diiwaan gelinayaan xafiiska Hanti dhowraha, marka ay xilalka la wareegayaan iyo marka ay ka tegayaan.
Madaxda Sare ee dowladda iyo Wasiirada ayaa loo dhaariyaa xilalka, taasina kama hortegin Musuqa baahay ee Hay’adaha dowladda, waxaana shaki badan laga qabaa inay arrintan ka hortegi karto musuqmaasuqa, iyadoo aanay dhisneyn ama awood lahayn Hay’adihii dowladda ee arrintan wax ka qaban lahaa.
