Dowladda Federaalka ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab iyo Horjoogayaashooda lagu dilay Howlgal qorshaysan oo ka dhacay degaanka Cali Fuuto ee hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan oo duqeyn ahaa ayaa waxaa fuliyey Saaxiibada caalamiga ah oo loo yaqaan Mareykanka oo gacan ka helaya Hay’adda NISA, waxaana warka kasoo baxay Dowladda Somaliya lagu sheegay in weerarla lagu dilay 44 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad.
“Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ayaa 44 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeellaha Hoose, 12-kii bishan May” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Haya’dda NISA.
Xubnahan ayaa la sheegay inay isku aruursanayeen Godad ay qoteen, wuxuuna weerarkan dhacay shalay 12-bishan May 2023, kadib markii NISA la sheegay inay heshay xogta maleeshiyadan oo in muddo ah isku aruursanayay degaankaan Cali Fuuto.
Weerarka ayaa sidoo kale lagu burburiyay Godadkii ay qoteen Khawaarijta, hub iyo saanado kale oo ay ku aruurinayeen, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
