Monday, June 23, 2025

Madaxda Maamul Goboleedyada oo 24 kadib ogolaaday in isbedel lagu sameeyo Habraacyadii ay saxiixeen

Kadib kulan ay maqribnimadii shalay ilaa xalay socday oo ay yeesheen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta ayaa la isku afgartay in wadahadallo dheeraad ah laga yeesho diidmada ka timid Golaha Midowga Musharixiinta.

Dood adag oo labada dhinac dhex martay ayaa lagu lafa guray qodobadda ay Midowga Musharixiinta ka hor yimaadeen ee ku jira Habraacyadii ay saxiixdeen Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Isgaarsiinta, waxaana ay shanta madaxweyne ee maamul Goboleed ogolaadeen in dib loogu noqdo Habraacyadii ay soo saareen.

Waxaa Arrintan loo saaray guddi ka kooban labada dhinac oo min saddex xubnood ah, waxaa dhinaca Maamul Goboleedyada ka socda: madaxweynayaasha Galmudug, K/Galbeed iyo Puntland, halka dhinaca kale ay ka socdaan: Shariif Xasan, C/raxmaan C/shakuur iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Ad

Dhinacyada is haya iyo Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xalay sidoo kale ka wada qeyb galay casho sharaf uu u sameeyay madaxweynaha Galmudug, waxaana ka muuqday jawi xasiloon oo waanwaan u socoto.

Lama oga sababta ay madaxda Maamul Goboleedyada u soo saareen Habraacyo ay awoodda Doorashada Golaha shacabka kula wareegeen, kadibna ay la-tashiga uga furayaan heshiis ay maalin ka saxiixeen, waxaana arrintan u muuqataa mid sii daba dheereyneysa Doorashada dadban ee 2021 oo caqabado badan horey u heysteen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON