Friday, July 4, 2025

Madaxda Maamul Goboleedyada oo Ra’iisal wasaare Kheyre si weyn ugu soo dhoweeyay Dhuusamareeb (Sawirro)

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay halkaasi.

Soo dhoweynta Ra’iisal wasaaraha oo ay la socdeen xubno ka mida golihiisa Wasiirada waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoorqoor oo marti loo yahay, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Xasan (Lafta Gareen) iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, iyadoo uu isla maanta Garowe ku laabtay Madaxweynaha Puntland.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeybgalaya wejiga labaad ee shirka Dhuusamareeb, isagoo wadahadal la yeelan doono Madaxda dowlad Goboleedyada, waxaana lagu wadaa inuu Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu isna gaaro Dhuusamareeb.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON