Madaxda maamul Goboleedyada ayaa caawa xaalad aanay fileyn ka qabsatay xaflad soo dhoweyn ah oo hordhac shirka London lagu maamuusayo, taasoo ka dhacday xarunta shirka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu soo dhoweeyay London, waxaana xafladda hadallo ka jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, xoghayaha guud ee Q/Midoobay, madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda lagu casuumay shirka.
Waxaa la arkayay madaxda maamul Goboleedyada oo ku dhex jira shacabka iyo ka qeybgalayaasha goobjooga ka ah shirka, loomana ogolaan inay wax hadal ah ku yeesheen ama u dhowaadaan goobta khudbad jeedinta.
DAAWO SAWIRRO