Madax Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shaaciyey in la qabtay dableydii ka danbeysay dilka 4 qof oo shacab ah, kaasoo ka dhacay duleedka Magalada Dhuusamareeb.
Isagoo shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayuu ku shaaciyey in Ciidamada Amniga maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen dad ku eedeysay Afartii ruux ee todobaadkii hore lagu dilay deegaanka Dhan-Waris ee Bariga Dhuusamareeb.
Waxa uu sheegay in maleeshiyadkaas ku eedeysan dilka Afarta Ruux ee ku sugnaa Goob shinida malabka looga maalo ay gacanta ku hayaan,isla markaana ay Cadaaladda horkeeni doonaan.
Dhinaca kale Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Galmudug ay ku raadjoogaan dadkii dil wadareedka duleedka Gaalkacyo ugu geystay 9 qof oo kasoo kala jeeday deegaanada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.
Sheekh Shaakir ayaa sheegay in sidoo kale lagu daba jiro dadkii dilka ka geystay magaalada Gaalkacyo oo laayey 9 qof oo kasoo jeeda degaanada K/Galbeed, wuxuuna si weyn u cambaareeyay falalka ka dhacay Galmudug ee lagu beegsaday dadkaasi shacabka ah, isagoo ballan qaaday inay sharciga lasoo taagi doono dadkii falalkaasi geystay.