Madaxdii iyo siyaasiyiitii ka qeyb gashay xafladii caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ee magaalada Kismaayo ayaa saaka bilaabay inay dib ugu laabtaan magaalooyinkoodii, kadib markii uu baaqday shir la filayay inay yeeshaan.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa goor dhoweyd dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, waxaana Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed la socda xubno ka tirsan xisbiyadooda, waxaana la sheegay inuu Muqdisho ku laabanayaan xildhibaanadda labada gole ee tegay caleemo saarkii Axmed Madoobe.
Magaalada Kismaayo waxaa weli ku sugan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni yo Madaxweynayaashii hore ee Galmudug & Koonfur Galbeed C/kariin Guuleed iyo Shariif Xasan, kuwaasoo la filayo inay dib ugu laabtaan degaanadoodii.
Ma jirin wax shir ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo kadib caleemo saarkii Axmed Madoobe, waxaana arrintaas ugu wacnaa in Madaxweynaha Puntland uu ka cago jiiday shirka uu ku baaqay Axmed Madoobe in looga hadlo xaaldda dalka oo go’aan mideysan laga yeesho.