Tuesday, June 24, 2025

Madaxdii Maamulka Galmudug oo Laba qeybood u kala jabay [Cadaado & Dhuusmareeb oo la kala degay]

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in maamulka Galmudug uu mar kale khilaaf soo kala dhexgalay, iyadoo laba qeybood u kala baxeen madaxda sare ee maamulkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ay wehliyaan qaar ka mida xildhibaannada maamulkaasi ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, iyadoo shaaciyey inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka magaalada Dhuusamareeb lagu dhisay ee ka yimid Ahlu suna, iyagoo sharci darro ku tilmaamay howlaha uu wado madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Magaalada Cadaado waxaa isugu tegay xubnaha ka horjeeda qaabka uu wax u wado madaxweyne Xaaf iyo sida loo dhaqan gelinayo heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna, iyadoo la sheegay inuu Xaaf Baarlamaan sharci darro ah sameystay, isla markaana waqtiga kororsaday.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa isna shalay dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusmareeb Caasimadda Galmudug, iyadoo la la filayo inuu ku dhawaaqo Golaha Wasiirro cusub.

Xaaladda ayaa mareysa heerkii ugu sareeyay, waxaana fashilmay dadaalkii loogu jiray in khilaafka madaxda Galmudug xal loo helo oo ka socday magaalada Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo in magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ay laba dowladood ka sameysmaan oo mid waliba Galmudug sheeganeysa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON