Maxkamadda Darajada koowaad ee dalka ayaa maanta dhageystay dacwad lagu soo oogay horjoogayaal ku eedeysanaa inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo ah rag waaweyn.
Eedeysanayaasha ayaa kala ahaa Mahad Maxamuud Cabdi oo loo yaqaan (Abtidoon, Abuu-yaasiin) iyo Maxamed Daa’uud Daahir Warsame oo isna loo yaqaan (Dr. Raage) ayaa loo heystaa inay ka mid ahaayeen hor-joogayaasha kooxda Daacish.
Ninka lagu magacaabo Mahad Maxamud Cabdi ayaa dadaal ugu jiray sidii uu Soomaaliya uga aasaasi lahaa koox cusub oo Daacish ah oo ka madax bannaan kooxda Daacishta ah ee uu hugaamiyo Cabduqaadir Muumin oo ka howlgasha buuraha Gobollada Bari.
Ninkan ayaa Safar dheer ayuu u soo galay sidii uu soomaaliya ku soo gaari lahaa, wuxuuna heystaa dhalashada dalka Ruushka oo uu muddo ku maqnaa, wuxuu sidoo kale ku soo qaatay qeyb ka mid ah noloshiisa dalka Syria, isagoo ugu dambeyn ku biiray kooxda Daacish uu ka mid noqday kuwa ugu sarreeya, balse mar dambe oo ay is qabteen hor-joogaha kooxda Daacish ayuu go’aansaday in uuu aas-aaso koox kale.
Waxyaabaha gaarka ah oo ay xafiiska xeer ilaalinta soo bandhigeen waxaa ka mida warqad uu u qoray horjoogaha ugu sarreeya kooxda Daacish, taasi oo uu ku gudbinaya cabashada ay ka wadaan horjooge Cabduqaadir Muumin, waxyaabaha ku qornaa waxaa ka mid ah;-
Hoggaan xumida hoggaamiyaha kooxda, Qorsha la’aanta howlahooda iyo Howl-galladooda, ku baahid la’aanta dhul ballaaran sida Koonfurta Soomaaliya iyo arrimo kale.
Ninka labaad ee Maxamd Daa’uud Daahir Warsame, oo Magiciisa Af-garashada yahay (Dr. Raage) ayaa isna lagu eedeeyay inuu ahaa madaxa maaliyadda kooxda, sidoo kale ahaa caawiye xagga caafimaadka ah ayaa caddeymaha Maxkamadda lala keenay waxaa ka mida Akoonada Lacageed ee uu isticmaalay iyo shirkadihii uu ka isticmaali jiray lacagaha.
Farsamooyinka ay ka mid yihiin kala bedalidda xawaaladaha, sameynta akoonno kala duwan oo loo sameeyay qaab-caawimaad iyo iska daba wareejinta sharikadaha inuu cadeeyo Hey’adaha uu sheeganayo shaqadooda iyo sharciyadda ay ku shaqeeyeen balse uu arrintaasi ah ka leex-leexday.
Ku xigeenka xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka Sida Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa maxkamdda ka codsaday in la mar-siiyo ciqaab u dhiganta qodobada ay ku soo eedeeyeen, waxa uuna Maxkamadda ka codsaday in dil-toogasha ah.
Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa maxkamadda ka hor sheegay in aysan wakiiladooda diidaneyn ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish balse ay ka laabteen fikirkaas, sida mid ka mid ah qoraalkiisa cadeymaha uu ku cadeeyay hor-joogayaashan.
Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb-galayaasha in Maxkamadda ay go’aanka dib ka soo saari doonaan.
Horjoogeyaashan oo aan aheyn dad dhallinyaro la marin habaabiyey ayaa doonayey inay maskaxda dhallinyaro Soomaaliyeed lumiyaan si ay ugu adeeggaan argagixiso aan arxan iyo aragti toona lahayn.