Wednesday, June 25, 2025

Madaxii Alshabaab ee G/Banaadir oo la sheegay in lagu dilay Weerarkii uu Amray Farmaajo

Warar dheeraad ah oo laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar duqeyn ahaa oo uu fulintiisa ogolaaday shalay lagu qaaday sarkaalkii Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Banadir.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarkaasi lala beegsaday gaari uu la socday Waaliga Gobolka Banaadir u qaabilsan kooxda Alshabaab ninka lagu magacaabo Sheekh Cali Maxamed Xuseen( Cali Jabal).

Sheekh Cali Jabal ayaa xilka Gobolka Banaadir ugu magacawnaa Alshabaab muddo dheer, waxaana ilo dhinac ammaanka ah ay sheegayaan in gaarigiisa la duqeeeyay, iyadoo loo maleynayo inuu weerarka ku dhintay.

Wasiirka warfaafinta ayaa xalay sheegay in weerarka oo la qaaday shalay 30-kii July uu ogolaaday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo aan sheegin magaca sarkaalka sare ee la dilay, laakiin ku eedeeyay inuu ka dambeeyay qaraxyo iyo dilal ka dhacay Muqdisho.

War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta ay ka fuliyeen shalay degaanka Tooratoorow, waxaana lagu sheegay in lagu dilay dagaalame aan magaciisa la sheegin.

Saraakiisha Alshabaab ee la sheego in lagu dilay weerarrada Mareykanka ayaan la hubin karin, waxaana marar badan beenowday saraakiil la sheegay in la dilay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON