Monday, June 23, 2025

Madaxii Howl-gallada Ururka Daacish ee Puntland oo la dilay iyo Faahfaahin laga helay

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in howlgal lagu dilay Madaxii hawl-galada kooxda Daacish ee gobolka Bari, Abu-Albara Al Amani, kaasoo ahaa Itoobiyaan.

War-saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Amniga Puntland ayaa lagu sheegay inay ka hor tageen weerar maleeshiyadda Daacish ku qaadeen Degmadda Bali-dhidhin oo ka tirsan Gobolka Bari, abaare 01:00am, 12-ka Bishan Janaayo 2023.

“Iska hor-imaadkaas ayey Ciidanka amniga Puntland ku dileen Madaxii hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abu-Albara Al Amani kaas oo maleeshiyaadka Daacish u magacaabeen madaxa hawl-galada Daacish illa 11-kii, July 2021 xilligiis oo la dilay madaxii hore ee hawl-galada Maleeshiyada Daacish Abuu Waliid Al-muhaajir kaas oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray Dagaalkii Daacish lagu qaaday ee ay Ciidamada Amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka Buuraleyda Calmiskaad” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ad

Abu-Albara Al Amani ayaa ka soo jeeda Gobolka Amara ee dalka Itoobiya, kaas oo itoobiyaan badan ku khasbay inay ku biiraan Maleeshiyadda Daacish.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON