Monday, January 30, 2023

Weerar lagu qaaday Dad ka qeyb galay Bannaanbixii Alshabaab-diidka iyo Hooyo lagu dilay..

Qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay weerar lagu qaaday dad kasoo laabtay bannaanbixii looga horjeeday Alshabaab ee shalay ka dhacay Garoonka Eng. Yariisow ee Ex. Banaadir, magaalada Muqdisho.

Weerar Bam ayaa lagu qaaday Bas siday dadkii bannanbaxayaasha ahaa oo fiidkii xalay dib ugu laabtay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, waxaana la xaqijiyey geerida haweeney iyo dhaawaca 8 kale, kadib markii Bam lagu weeraray Baskii ay la socdeen.

Haweeneyda Geeriyootay ayaa magaceeda lagu sheegay Fardowsa Maxamed Axmed, waxaana meydkeeda la geeyay Gurigeeda, iyadoo ka geeriyootay 9 caruur ah (5 wiil iyo 4 gabdhood) iyo Aabahood, masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Banaadir ayaana xalay saqdii dhexe booqday hoyga Qoyskaasi.

Ad

Sayga Haweeneyda oo lagu magacaabo Maxamed Abdiqaadir oo 60 Jir ah ayaa warbaahinta u sheegay sida uu culeys weyn dareemayo, markii ay xaaskiisii uga tagtay 9 caruur ah, kadib markii ay ku dhimatay weerar lagu qaaday markii ay kasoo laabtay bannaanbaxii shalay ka dhacay Muqdisho, wuxuuna dalbaday in la caawiyo.

Weerarka ayaa la sheegay inay geysatay kooxda Alshabaab, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga iyo kuwa maamulka Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,971FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,970FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!