Monday, July 14, 2025

Madaxtooyada Jubbaland oo War Cusub kasoo saartay xaaladda Doorashooyinka 2020/21 iyo Gobolka Gedo

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa war cusub kasoo saartay khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka, iyadoo dalbadatay in gacanteeda lagu soo celiyo maamulka Gobolka Gedo.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa uga digtay madaxda dowladda Federaalka inay iska dhega tiraan cabashooyinka iyo digniinaha kasoo yeeraya saamileyda siyaasadda oo ugu horeeyaan Midowga Musahrixiinta ee dalbanaya doorasho loo siman yahay.

Jubbaland ayaa caddeysay inay Gobolka Gedo ka taliyaan ciidamo u abaabulan qaab jabhadeed oo ka amar qaata saraakiisha Hay’adda NISA ee dowladda Federaalka. Isla markaana aan doorasho lagu qaban karin meel aan sharci iyo kala danbeyn ka jirin, ayna maamulkeeda gacanta ku hayaan ciidamo ka amar qaata shaqsiyaad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON