Monday, June 23, 2025

Madaxtooyada & Madasha Xisbiyada oo faafiyey Ajendayaal iska horjeeda, ka hor kulanka Farmaajo, Sheekh Shariif & Xasan Sheekh

Saacado ka hor kulanka ay maanta yeelanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxay qoraallo iska horjeeda oo ay faafiyeen labada dhinac.

Labada dhinac ayaa ku kala aragti duwan qodobadda looga hadlayo kulanka, waxaana afhayeenka Madaxweyne armaajo uu faafiyey ayuu ku sheegay in kulanka maanta dhex maraya labada Madaxweyne hore iyo Madaxweyne Farmaajo ajendaha looga hadlayo uu yahay hanaanka doorashada 2020 iyo sida lagu gaarsiin karo qof iyo Cod.

“Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah.” ayuu qoraalkiisa ku yiri afhayeenka Madaxtooyada C/nuur Maxamed

Ad

Dhinaca kale Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shaaciyey ajendayaal ay sheegeen in kulanka maanta looga hadlayo, sida uu faafiyey Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mida mas’uuliyiinta Madasha. wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Dhowr saacdood kadib waxaa Xarunta Madaxtooyada VillaSomalia kulan looga hadlaayo khilaafka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Xukuumada kuyeelan doona Ergo ka kala socta labada dhinac oo ay kala hogaminaayan Madaxweyne Farmajo iyo Madaxweyniyaashii hore oo kala ah Sharif Sh. Ahmed iyo Hassan Sh. Mohamud.”

Waxaa kaloo ajendayaasha kulanka taxay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mida xildhibaannada Madasha Xisbiyada, wuxuuna ajendayaasha kulanka madaxweynayaasha ka . dhigay sida soo socota:

1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

- Advertisement -

2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON