Madaxtooyada Puntland ayaa beenisay war laga faafiyey madaxweynaha maaulkaasi Siciid C/llaahi Deni oo ku saabsan tanaasul la sheegay inuu sameeyay.
Afhayeenka madaxweynaha Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay qoraalka laga been abuuray Siciid Deni ee ku saabsan inuu ka tanaasulay Madasha Badbaado Qaran ay qeyb ka noqoto heshiiska Doorashada.
“Wax la eryo been baa u gaabisa! Ciwaanka saxda ah ee Madaxweynaha waakan H.E Said Abdullahi Deni sawirkana waa mid lagu been abuuray habka Online-ka ah!” yuu yiri Afhayeenka Madaxweynaha Puntalnd Jaamac Depanari.
Qoraalka la been abuuray ee Siciid Deni ayaa waxaa si weyn baraha bulsahda ugu faafiyey taageerayaasha Madaxweynaha xilki ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sidoo kale olole ugu jiray inuu fashilmo shirka madaxda maamul Goboleedyada.
Arrintan ayaa lagu soo beegay iyadoo ay socdaan wadahadallo u dhaxeeya madaxda maamul Goboleedyada dalka oo dadaal ugu jira xal loo helo is mari-waaga siyaasadda.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

