Tuesday, July 15, 2025

Madaxtooyada Somalia oo ka hor timid xil Wasaaradda Warfaafinta looga magacaabay Agaasimihii Idaacadda Kulmiye

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hor timid Go’aan kasoo baxay wasaaradda Wasaaradda Warfaafinta oo  xil loogu magacawday agaasimaha Idaacadda gaarka loo leeyahay ee Radio Kulmiye.

Sii-hayaha xilka Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa shaaciyey in Abwaan Cusmaan Cabdulaahi Guure loo magacaabay  Maareeyaha cusub ee Goloha Murtida Iyo Wacyigelinta.

Golaha Murtida & Madaaladda ee Tiyaatarka Qaranka oo howlgab ah muddo dheer ayaa magaciisa loo bedelay: Golaha Murtida iyo Wacyigelinta, waxaana xilkaasi laga qaaday Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay soo faragelisay si waxba kama jiraan looga dhigo go’aankii magacaabista Abwaan Guure iyo ku xigeenkiisa, waxaana la sheegay warkii wasiir ku xigeenka laga saaray warbaahinta dowladda.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dood dheer kadib ay madaxtooyada ogolaatay magacaabidda Abwaan Guure, iyadoo ay adkaatay in laga noqdo magacaabidda oo loo maray qaab aan sharci ahayn.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON