Friday, July 11, 2025

Madaxtooyada Somalia oo xil ku abaal marisay Soo-saaraha muuqaalladii lagu weeraray Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhowaan xil looga magacaabay nin soo saare ka ahaa muquaallo baraha bulshada lagu baahiyey oo si weyn loogu weerarray, looguna aflagaadeeyay siyaasiyiinta ka horjeeda siyaasadda madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Agaasime Kuxigeenka Cusub ee Warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/rashiid Maxamed Xaashi ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga soo muuqday shalay Villa Somalia, isagoo akhrinaya War Saxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya oo la xiriira warqdaaha aqoonsi ee madaxweyne Farmaajo uu ka gudoomay Safiirka cusub ee Ruushka u soo magacawday Soomaaliya Mudane Mikhail Golovanov.

Ninkan oo ka howlgeli jiray Diiwaan Films ayaa diyaariyey muuqaallo lagu taageerayo Madaxtooyada oo si anshaxa ka baxsan loogu weerarrayo Siyaasiyiinta mucaaradka, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in muuqaalladaasi ay maalgelisay Villa Somalia oo markii dambe soo-saarihii ku abaal marisay xilka agaasime ku xigeenka warfaafinta Madaxtooyada.

Wuxuu xilka kala wareegay agaasime ku xigeenkii hore ee warfafinta madaxtooyada C/fataax Awaare kadib markii la sheegay inuu xiriir la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo sawir uu kula galay magaalada Nairobi.

Madaxtooyada Somalia ayaa tan iyo intii uu xilka qabtay waxaa soo maray shan agaasime, iyadoo agaasime waaxyeedyada iyo howlwadeenada kale dhowr jeer la kala bedelay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON