Madaxtooyada Soomaaliya ayaa jawaabtii ugu horeysay ka bixisay kiis ku saabsan ciidamada madaxtooyada oo lagu eedeeyay inay afduubteen Gabar oo hooyadeed ay baraha bulshada ku faafisay cabasho si weyn looga naxay.
Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada C/nuur Maxamed ayaa qoraal gaaban oo jawaab ah soo dhigay Facebook, wuxuu ku sheegay inay xiriir la sameeyeen Maxakmadda Kiiska gacanta ku heysa, isla markaana wuxuu ku taliyey in laga fogaado buunbuuninta kiiskan sida uu yiri.
“Waan maqalnay qaylo dhaanta Hooyo Amran Maxamed Cismaan oo ilaa shalay baraha Bulshada lagu faafinayay, waxaana xiriir la sameynay Maxakamadda kiiska gacanta ku haysa, xeer ilaaliyaha dacwada soo oogay iyo Madaxda askarta la eedeeyay. Waxaa ii muuqata in baaritaan daahfuran loo baahanyahay si la isu waafajiyo cabashada hooyada iyo aragtida ay qabaan qeybaha kala duwan ee kiiska ku lug leh. Xoguhu sida qolo walba u tabinayso waa wax kala fog. Inta taas laga xaqiijinayo, waxaa habboon in laga fogaado buunbuuninta wararkan hubinta u baahan, warbaahintuna waa in ay dheelli-tir ku sameyso waxa ay bulshada la wadaagayso si aan loo sii abuurin jahwareer kale…”ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada.
Wuxu qiray inuusan la hadlin hooyo Amran, balse ay is maqleen dad ehelkeeda ka mida, loona baahanyahay inaan laga hordhicin baaritaannada haatan socda, sida uu yiri.
HOOS KA DAAWO KIISKA WARBIXINTA KIISKA
Isla kiiskan waxaa ka hadlay CID-da iyo xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka sida oo sheegay in Amal oo ah gabadha ka maqan Hooyo Amran dhaqan celin loo keenay Muqdisho iyada iyo gabdho kale, ayna ka baxsadeen xaruntii dhaqan celinta, iyadoo awood adeegsaday, isla markaana caddeyn lagu waayey laba nin oo lagu eedeeyay maqnaashaha gabadha.
Waxaa kaloo warbaahinta dowladda lagu soo bandhigay gabdhihii la baxsaday Amal iyo hooyadood oo eedeynaya Amal inay iyadu ka danbeysay qorshaha ay kusoo baxsadeen, ayna rabtay inay hooyadeed dacweyso. waxaana kiiskan uu isu bedelay mid isku qasan oo xaqiiqdiisa aan laga sal gaarin.
WARBIXINTA JAWAABTA AH HOOS KA DAAWO