Monday, June 23, 2025

Madaxtooyada Somaliland: “Maamulka Caddowga ah ee Farmaajo xalin tabasho nagama dhaxeyso” [War Cad]

Maamulka Somaliland ayaa Guddiag uu madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo u magacaabay la xaajoodka Somaliland ku tilmaantay gef siyaasi ah, iyo caddownimo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo uu ku saxiixan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac ayaa lagu sheegay in maamulka Farmaajo markii talada Soomaaliya qabtay uu Somaliland ku qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed, isla markaana aysan is qaban karin ficilladaada cadowtinimo iyo hadallada kasoo yeeray Farmaajo.

“Somaliland tabashadeeda iyo dhibtii soo gaartay waxay kaga garnaqsan kartaa oo keliya fagaare caalamiya oo bulshada caalamku ay goob-joog ka tahay balse maamulka caddowga ah ee Farmaajo xalin tabasho nagama dhaxayso, ee garnaqsi laba dal ayaa noo dhexeeya..” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyada Somaliland.

Somaliland ayaa sheegtay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay qabsoomi karaan oo keliya marka ay Soomaaliya garwaaqsato in midnimadii labada dal ay burburtay 1991-kii, oo la yahay laba dal oo kala madax-bannaan

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON