Maamulka Somaliland ayaa si kulul uga jawaabay baaqii kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ee munaasabadda 26-ka June, isagoo Somaliland ugu baaqay inay hormuud ka noqdaan midnimada dalka.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland oo lahjad adag ku qornaa ayaa lagu sheegay in warka Madaxweyne Farmaajo uu kiciyey wax loogu yeeray ladh iyo dacar, waxaana wax lala yaabo lagu tilmaamay dhibtii loo gaystay shacabka Somaliland ay weliba u dabaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii.
“Marka aad u dabaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn waxyeelo mooyee, ma waxaad ujeedaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya? Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho” ayaa lagu yiri qoraalka oo uu ku saxiixnaa Afhayeenka madaxdooyada Somaliland Maxamud Warsame Jaamac.
Maamulka Muuse Biixi hoggaamiyo ee Somaliland ayaa lagu tilmaamaa kii ugu adkaa ee degaanadaasi soo mara, iyadoo wararka ay soo saareen ay ka fog yihiin diblomaasiyadda.