Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in Dowladda Jabuuti ay xayirtay agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo la socoday diyaaradda Turkish Airways ee kusoo socotay magaaldaa Muqdisho.
“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka xuntahay falka xadgudubka ku ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga ah ee Dawladda Jabuuti ay garoonka diyaaradaha Jabuuti ku xannibtay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Saraakiisha Soomaaliyeed ee wehelisa” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray afhayeenka Farmaajo C/rashiid Xaashi.
Wuu intaas ku daray “Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti inay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda ka tahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anag oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah”.
Afhayeenka Farmaajo ayaa sheegay in Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Fahad Yaasiin uu ka qeyb galayo Shirka Amniga Qaranka oo Berri 18-ka Sebteembar, hore u shaaciyay inuu Farmaajo ka dhacayo magaalada Muqdisho.”
Ma jirto cid madax bannaan oo arrintan xaqiijisay, waana xaalad cusub oo soo korortay iyo dhibaato soo food saartay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo saaxiibada ugu dhow ee Fahad yaasiin ka mid yahay oo lagu tuhunsan yahay inay ku maqan tahay sarkaaladii ka tirsaneyd Hay’adda NISA ee la waayey Ikraan Tahliil Faarax.

