Wednesday, July 9, 2025

Madaxtooyada Soomaaliya oo tacsi u dirtay dadkii ku dhintay Qaraxyadii Kaniisadaha Masar

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay dowladda shacabka Masar iyadoo uga tacsiyadeysay weerarradii ka dhacay maanta Kaniisado ku yaala dalkaasi oo ay ku dhinteen 43 qof.

Qoraal lagu qoray bogga rasmiga ah ee twitterka Villa Somalia ayaa lagu sheegay in tacsi tiiraanyo ay u dirayaan shacabka iyo dowladda Masar, ehelada iyo qoysaskii Shadiidiinta Kaniisada Tanta iyo Alexsandria, waxayna u rejeeyeen  dhaawaca caafimaad, iyadoo lagu gabagabeeyay in argagixisada aanay diin lahayn.

Tacsiga Madaxtooyada Soomaaliya u direyso qaraxyada ka dhaca dalaka dibadda iyo dadka ajnabiga ah ee ku dhinta dalalka dunida ayaa si joogto u socota, taasoo ka mida diblomaasiyadda iyo xiriirka caalamiga ah.

Dhinaca kale waxaa maalmahan magaalada Muqidsho ka dhacayay qaraxyo madaafiic ay dad badan oo shacab ah ku dhinteen, iyadoo ay ugu danbeeyeen madaafiicdii shalay dadka ku laayay degmada Wadajir iyo qaraixii is-miidaaminta ahaa ee maanta lagu dilay 15 qof oo intooda badan jirkoodu googo’ay, laakiin madaxtooyada iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa ka gaabsaday u tacsiyeyntooda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON