Tuesday, June 24, 2025

Madaxtooyada Soomaliya oo dalka keentay Musharax cusub oo loo wado xilka Ra’iisal Wasaaraha

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in musharax cusub uu kusoo biiray dadka la filayo in loo magacaabo xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Farmaaj C/llaahi Farmaajo oo waqtigu ku socdo ayaa weli wada la-tashiyo ku saabsan qofkii uu xilka Ra’isal wasaaraha u magacaabi lahaa, wuxuuna wareysiyo la yeeshay dhowr musharax oo xilka u taagan, laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in musharax cusub uu kusoo biiray tartanka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u yeeray wiil uu dhalay diblomaasi hore C/llaahi Axmed Caddow oo dhowr jeer xilka Madaxweynaha Soomaaliya isu sharxay, Ninkan oo lagu magacaabo Hanad, una shaqeeya Q/Midoobay ayaa kasoo degay Garoonka Muqdisho, iyadoo ay halkaasi kasoo qaadeen ciidamo ka tirsan Koofiyad Casta Madaxtooyada Soomaaliya.

Lama oga inuu ka mid yahay liiska musharixiinta xilka iyo inuu Madaxweyne Farmaajo go’aansaday inuu xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabo Hanad C/llaahi Axmed, taasoo la ogaan doono xiliyada dhow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON