Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Ahlu sunna oo ku dhawaaqay Doorasho ka dhici doonta Dhuusamareeb [Dhageyso]

Madaxweynaha Ahlusunna ee Gobollada Dhexe ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn wax maamul sharci oo ka jira gobollada dhexe oo aan ahayn maamulkooda.

Sheekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Dhuusamareeb eedeyn u jeediyay dowladda  Soomaaliya, isagoo sheegay inay  ku fashilantay dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayna dagaal kyu qaaday maamulkooda.

Wuxuu amaan u jeediyay dowladda Itoobiya oo ciidamadeeda taageero ay ka heleen, isagoo cambaareyn u jeediyay ciidamada Itoobiya ee taageeraya dowladda Soomaaliya, kana mida AMISOM.

Wuxuu ku dhawaaqay in doorashada xildhibaanada Gobollada Dhexe ay ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb, isla amrkaana aysan aqoonsan doonin doorasho kale oo degmada Cadaado lagu qabto.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA AHLU SUNNA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON