Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanno iyo madax ka tirsan dowladda Federaalka oo kasoo jeeda Hirshabeelle ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay madaxweyne Waare oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu Muqdisho yimaado tan iyo intii xilka loo doortay.
Xubnaha soo dhoweynta ka qeyb galay waxaa ka dhex muuqday Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Jeneral Muqtaar Xuseen Afrax, Jeneral C/laahi Xasan Bariise iyo xubno kale.
Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo.
SAWIRRO