Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu maanta ku sii jeedo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha cusub ee dhowaan la doortay ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu tegayo magaalada Beledweyne, waxaana la sheegay inuu kulamo xiriir ah la yeelan doono maamulka cusub iyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.
Dhowaan ayuu Madaxweyne Waare guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan, isagoo xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka ee la saftay madaxweynihii xilka laga qaaday Cali C/llaahi Cosoble.
Qaar ka mida odayaasha reer Hiiraan ayaa ka hor yimid doorashada ka dhacday magaalada Jowhar, waxaana magaalada Beledweyne ka taagan diidmo ku saabsan Jowhar iyo qaabka uu u shaqeeyo maamulka Hirshabeelle, taasoo xalin ka sugeysa madaxweynaha cusub.
Qabqabaada xafladda Caleema saarka Madaxweyne Maxamed Cabi Waare ayaa loo qoondeeyya inay dhacdo 27-ka Bishan September ayaa ka dhici doonta magaalada Jowhar.