Friday, July 4, 2025

Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Somali State ee Itoobiya oo shaaciyey inuu la kulmayo Farmaajo

Madaxweynaha maamulka Soomalida ee dalka Itoobiya SOMALI STATE ayaa maanta magaalada Adis ababa kula kulmaya madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galayaa shir madaxeedka IGAD.

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka ‘Somali State’ dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar)  aya qoral uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu kulan gaara la yeelan doono madaxweynah Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Waxaan Maanta kulan gaar ah la yeelan doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo hadii alle idmo, Wadahadal keenu wuxuu noqon doonaa keliya Danaha Dadka Soomaaliyeed oo qura” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee labad dhinac dhex mara, kadib isbedelkii ka dhacay Itoobiya oo keenay in xilka laga qaado madaxweynihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana madaxweynaha cusub loo arkaa nin furfuran oo Soomaalinimo muujiyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON