Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha dalka Turkiga oo booqasho taariikhi ah ku jooga dalka Suudaan & dalal Afrikaan ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho rasmi ah oo taariikhi ah maanta uga bilaabatay dalka Suudaan.

Waa socdaalkii ugu horeeyay ee hoggaamiye Turki ah ku tago Suudaan taariikhda, waxaana looga hadli doonaa xiriirka dhaqaale ee labada dal, iyadoo heshiisyo kala duwan ay kala saxiixan doonaan labada dal.

Madaxweyne Erdogan waxaa socdaalkiisa dalka Suudaan ku wehliya 9 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Turkiga, waxaana heshiisyada ay kala saxiixan doonaan labada dal ka mida dhinacyada Beeraha, dalxiiska, Macdanta, waxbarashada iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa inuu socdaal kale ku tago dalalka Tunisia iyo Chad, waana socdaalkiisii ugu danbeeyay ee Qaarada Afrika oo Turkigu kordhiyay xiriirka ganacsi ee uu la leeyahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON