Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso oo shir uga socday Golaha Wasiirada Puntland, isagoo eedeyn iyo baaq u jeediyey dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu magaalada Nairobi kula kulmay siyaasiyiin, safiiro iyo madaxweynayaasha Maamullada Jubbaland iyo K/Galbeed, isla markaana ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya, wuxuuna ka dhawaajiyey inay jiraan welwel ku saabsan halka ay Soomaaliya ku socoto oo arrintu ku socoto in qori caaradii la isku maamulo.
Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu ka baxay dhammaan heshiisyadii uu la galay dowlad Goboleedyada, isagoo dagaal ku haya nidaamka federaalka, wuxuuna ku baaqay wadatashi ay Puntland yeelan doonto, kuna sabasan arimaha dowlad dhiska Soomaaliya, kaasoo ka dhici doona magaalada Garowe, bartamaha bisha March.
Wuxuu ugu baaqay xubnaha labada Gole ee Puntland ugu jira Baarlamaanka Soomaaliya inay shirkaasi kasoo qeyb galaan, wuxuuna caddeeyay in Puntland ay tashan doonto.
Madaxweyne Deni wuxuu cambaareeyay ciidamada ay dowladda Federaalka geysay Gobolka Gedo, wuxuuna baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha: “Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka, madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha, xubnaha labada Gole inay dib u milicsadaan hannaanka ay dowladdu ku soco, inay ka waantowdo waxyaabaha ay dalka ka sameyneyso iyo dhaqaalihii dalka oo loo adeegsanayo burburinta nidaamka dowladnimo..” ayuu baaqiisa ku yiri.
Deni ayaa intii uu kasoo laabtay magaalada Nairobi ku howlahaa qorshe la sheegay inuu salka ku hayo sidii ay Puntland uga furan lahayd dowladda federaalka, uguna dhawaaqi lahayd inay tahay maamul gooni u taagan oo wadashaqeyn la lahayn dowladda federaalka inta ay ku dhaqmeyso Dastuurka, kana fulineyso heshiisyadii hore loo galay.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

