Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Deni oo magacaabay Guddiga qabanqaabada shirweynaha aayo-talinta Puntland, una dhoofay…

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga ee maamulka Puntland oo ka kooban 11 xubnood.

Guddigan howshoodu noqon doontaa qabanqaabada shirweyne wadatashi ah oo reer Puntland isugu imaan doonaan 15-ka Bisha March 2020, kaasoo uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland, iyadoo ay isugu imaan doonaan golayaashaPuntland, xubnaha ku metela dowladda Federaalka, Isimada Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, loogana tashan doono mustaqbalka Puntland iyo go’aanka ay ka qaadaneyso Federaaleynta Dalka.

Xubnaha waxay kala yihiin:

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.

11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntlanb ayaa maanta u dhoofay dalka Jaubuuti oo socdaalkiisii ugu horeeyay uu ku tegay, iyadoo la sheegay inuu casuumaad ka helay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON