Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa casuumad u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo si uu booqasho ugu tago magaalada Asmara ee caadimadda dalkaasi.
Sida uu shaaciyey Wasiirka Warfaafinta dalka Eritrea Yemane G. Meskel, madaxweyne Farmaajo ayaa booqanb doona dalka Eritera iyadoo socdaal saddex maalmood ah rasmi ah uu ku tegi doono dalkaasi oo dhowaan heshiis dhex maray Itoobiya, kadib dagaalkii dhex maray labadaasi dal.
Wasiirka Warfaarinta Eritrea wuxuu sheegay in socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu Berri subaxnimada ku tegi doono magaalada Asmara isagoo saddex maalmood joogi doono halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.
Eritrea ayaa dooneysa inay heshiis rasmi ah la gaarto Soomaaliya si looga saaro liiska xayiraadda ee Q/Midoobay, waxayna ku eedeysan tahay inay taageerto ururka Alshabaab.