Sunday, June 22, 2025

Madaxweynaha Farmajo iyo madaxweynayaashii hore oo ka qeyb galay janaasada Xasan Abshir (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasam Sheekh iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ayaa Garoonka Muqdisho uga qeyb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Raiisul Wasaarihii Hore ee dalka Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Diyaaraddii sidday Marxuum Xasan Abshir ayaa soo caga dhigatay garoonka waxaana naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows.

Ad

Intaas kaddib, marxuumka ayaa loo gudbiyey magaalada Garoowe halkaas oo aas-qaran loogu sameynayo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood, Xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON