Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay wadahadallo qarsoodi ah la furay mas’uuliyiinta Ahlu suna ee Gobollada Dhexe.
Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in labada dhinac wadahadal qarsoodi ah halkaasi ku dhex marayo, iyadoo ay ku wada sugan yihiin Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hoggaamiyaha guud ee Ahlu Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.
Guddiyo ka tirsan labada dhinac ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay labada mas’uul isu keenaan si wadahadalkii ugu horeeyay ay u yeeshaan, waxaana qeyb ka ah xubno isugu jira Ganacsato, siyaasiyiinta iyo Culumaa’udiinka ka soo jeeda Galmudug.
Wadahadal labada dhinac ay ka dhex qabanqaabisay dowladda federaalka intii aan la dooran Mudane Xaaf ayaa fashilmay kadib markii shuruudo adag ay Ahlu suna la timid, waxaana madaxweyne Xaaf uu dadaal ugu jiraa inuu xal la gaaro kooxda Ahlu suna.
Golaha Wasiirada maamulka Galmudug ayaan weli la magacaabin, mana cadda in Ahlu suna qeyb ka noqon doonto, inkastoo fursad dib u heshiisiiinta labada dhinac ay aad u adag tahay marka la eego shuruudaha ay wadato Ahlu suna.