Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa beeniyay inuu ka mid ahaa madaxweynayaal maamul goboleedoo maanta soo saaray War-murtiyeedkii lagu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaaha cusub ee Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in war murtiyeedkaas aanu qeyb ka aheyn, wax talo ahnaa ku biirin Hirshabeelle, oo aanay ka hadlin arrinta dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweyne Waare ayaa ku baaqay in la qaboojiyo kulka siyaasadeed, lagana fogaado tallaabo kasta oo xaalada uga sii dareysa.
AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA