Saturday, April 20, 2024

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku xayirmay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan [Akhri Sababta]

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku xayirmay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkasoo aysan jirin xilligan qaab looga soo baxo dhulka iyo hawada midna.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo doonayay inuu tago magaalada Jowhar iyo xarunta maamulkiisa ayaa ku xayirmay iyadoo garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ay gooyeen roobab ka da’ay, isla markaana aan la adeegsan dhulka u dhaxeeya Beledweyne iyo Jowhar oo Alshabaab ay ka taliyaan qeybo ka mida.

Qaabka kaliya ee magaalada Beledweyne lagu tegi karo ama looga bixi karo ayaa ah in socdaal dhulka ah lagu tago magaalada Guriceel oo halkaas diyaarad laga raaco, waxayna arrintaas ciriiri geliyay roobabka waaweyn ee ka da’ay degaankaasi iyo weerarro dhabagal ah oo laga cabsi qabo in Alshabaab ay ku soo galaan.

Ad

Maxamed Cabdi Waare oo Beledweyne u teagy isbedel uu ku sameynayo maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dhexda u galay xaaladda adag ee magaalada Beledweyne ay wajahdo xilli roobaadyada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON