Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Magacaabay Guddiga qaabilsan Gurmadka iyo Qiimeynta Khasaarihii ka dhashay qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Beledweyne.
Cali Guudlaawe ayaa faray Guddigaan inay si degdega ay ku howlgalaan si loogu gurmado dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Magaalada Beledweyne, qiimeynna ay ku sameeyaan baaxada qasaaraha ee uu geystay.
Guddigan ayaa ka kooban 9 xubnood oo uu madax u yahay Wasiirka Arrimaha Gudhaa Hirshabeelle, wasiiro iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
