Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hiiraan, mid cusubna magacaabay [Akhriso]

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow oo muddo shan bilood ah xilkaasi hayey.

Waxaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan dib loogu magacaabay Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo dhowr jeer xilkan soo qabtay, iyadoo Gobolka Hiiraan uu noqday xilka ugu isbedelka badan maamulka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa muddo sanad ah intii uu xilka hayey wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan u magacaabay saddex Guddoomiye, waxayna arrintan ka mid tahay saldhigasho la’aanta siyaasadeed ee heysata Gobolka Hiiraan oo ay degaan in ka badan 13 beelood qeybo ka mid ahna ay heysato Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON