Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maalinta Berri ee Sabtida ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweyne Geelle iyo wafdiga la socda ayaa la sheegay inuu ujeedkoodu yahay, inay xariga ka jaraan Safaaradda cusub ee dalka Jabuuti ka dhisay magaalada Muqdisho oo muddo laba sano ah dhismaheedu socday.
Dhismaha Safaaradda Jabuuti ee Muqdisho ayaa waxaa wadajir u dhagax dhigay Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti, waxaana lagu wadaa inuu madaxweynaha Jabuuti booqdo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo ciidamada ka socda Jabuuti ee Hiil walaal ay ka howlgalaan.
Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa ka wadahadli doona xiriirka laabda dal iyo Geeska Afrika, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegay dalka Jabuuti bishii Febraayo.