Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Jubaland oo diiday wax-ka bedelka Liiska Musharixiinta Aqalka sare

Waxaa magaalada Kismaayo ka socda  dhageysiga khudbadaha  ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka Aqalka Sare ee maamulka Jubbaland.

19 Musharax ayaa khudbadahooda ka hor jeedinaya xildhibaanada baarlamaanka  Jubbaland si ay u soo bandhigaan waxqabadooda haddii loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa berri lagu wadaa in ay codeeyaan xubnaha u taagan ka mid noqoshada  Aqalka Sare oo laga sugayo inay doortaan 8 xubnood.

Ad

daawo-axmed-madoobe-oo-soo-jeediyay-goaan-mideysanMadaxweynaha Jubba Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay inuusan waxba ka bedelin liiska musharixiinta isagoo ka gaabsaday dalabkii Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka si ay uga muuqato qoondada haweenka, inkastoo markii danbe uu ku sameeyay isbedel kooban oo cabsi laga qabo inay qoondada haweenku khatar gasho.

Wararka ayaa sheegaya in baarlamaanka Jubba ay wadaan qorshe laba haween ah lagu loogu soo dooranayo aqalka sare si looga badbaado cadaadiska beesha caalamka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON