Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta yimid magaalada Muqdisho, kadib uu u yeeray markii la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya oo ay isku arkeen magaalada Garowe.
Waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka soo jeeda Maamulka KGalbeed iyo xildhibannada labada Gole, wuxuuna markii uu yimid Muqdisho sheegay inuu Muqdisho ku sugnaan doono laba maalmood, isla markaana kullamo la yeelan doono madaxda dowladda Soomaaliya .
Socdaalka Lafa-gareen ee Muqdisho ayaa ka dambeeyay kadib markii uu isla maanta magacaabay qeyb ka mida Golaha wasiirada maamulkiisa oo gaaraya 10 wasiir.