Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ayaa maanta kulan Qado sharaf ah gurigiisa ugu sameeyay xildhibaannada Baarlamaanka K/Galbeed, iyadoo kulankaasi looga hadlay mustaqbalka Baaralmaankaasi.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka kooban 149 mudane ayaa loo sheegay inuusan jiri doonin muddo kordhin loo sameynayo Baarlamaankaasi, kadib markii madaxweyne C/casiis Lafta-gareen iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed C/qaadir Sheekhunaa ay dowladda Federaalka diiday in Baarlamaankaasi waqtiga loo kordhiyo, iyadoo madaxda dowladda Somalia ay ku adkeysteen inaan xitaa loo kordhin Bilo ama sanad, ayna soo dhammaatay rajadii ay arrintaasi ka qabeen.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa u sheegay xildhibaannada maamulkaasi inay dib ugu laabtaan odayaashii soo xulay oo ay doorasho u diyaar garoobaan, iyadoo waqtigoodu ku eg yahay Disembar 2019, waxaana mudadda uga harsan xilkooda loo sheegay inaysan wax Mooshin ah ka keeni karin xukuumadda K/Galbeed.
Xildhibaannada K/Galbeed oo la dhisay xilligii uu madaxweynaha ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa tiradoodu ahayd 94 xubood, laakiin waxaa ku daray 55 xubnood oo markaas xubin sharafeed lagu sheegay ku daray Shariif Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo sidaasi uu Baarlamaanku ku noqday midka ugu tirada badan maamul Goboleedyada dalka.

