Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa la sheegay inuu magaalada Muqdisho imaan doono, kadib safarkii ugu dheeraa ee uu Turkiga ku joogy.
C/casiis Lafta-gareen ayaa la sheegay in xilligii uu dib u soo laaban lahaa ay Madaxtooyada Cadaadis ku saartay inuu sii joogo Turkiga ilaa xilli danbe, waxaana hadda la sheegay inuu Axadda Berri kusoo wajahan yahay caasimadda Muqdisho.
Imaanshaha Lafta-gareen oo ah madaxweynaha kaliya ee maamul goboleedyada, kana maqan Muqdisho ayaa la qorsheeyay intii aanu xalay xilli danbe madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo kasoo hor marin shirka uu ku baaqay ee madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa si buuxda u taageersan Farmaajo waxaana la filayaa inuu ka qeyb galo haddiiba uu qabsoomo shirka uu ku baaqay Farmaajo ee la sheegay inuu dhacayo 22-23 bishan maarso 2021.
