Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inay Kenya sii wadi doonto sidii xal saaxiibtinilo loogu heli lahaa muranka Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya.
Khudbadii uu ka jeediyey Golaha Guud ee Q/Midoobay ayuu u soo qaaday muranka Xuduudka Badda ee Kenya iyo Somalia, wuuuna sheegay in dowladda Kenya ay sii wadi doonto inay wadahadalka ay la yeelaneyso dowladda Federaalka Somalia, una dadaaleyso in xal waara oo saaxiibtinimo loo helo khilaafka xuduudka Badda ee labada dal u dhaxeeya.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo go’aankii Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ee 3-dii September ay Somalia iyo Kenya ugu yeereen inay labada dal waanwaan ku xaliyaan muranka xuduudka Badda, wuxuuna Uhuru isku dayey inuu xeerka Q/Midoobay u cuskado xalka ugu wanaagsan ee khilaafyada labada dal lagu xalin karo inuu yahay wadahadal.
“Waxaan rajo weyn ka qabnaa in dowladda Federaalka Soomaaliya aqbali doonto, diyaarna u tahay raadinta xal waara oo lawada aqbali karo loo helo muranka Xuduudka Badda..” ayuu hadalkiisa ku yiri Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.