Friday, April 19, 2024

Madaxweynaha Kenya oo si kulul ugu gacan seyray Go’ankii Maxkamadda ICJ ee Somaliya & Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta si kulul uga hor yimid go’aanka ay Maxkamadda Caalamiga ee ICJ kasoo saartay Dacwadii xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo wacad ku maray inuu ilaalin doono dhulka dalkiisa.

Jawaab uu kasoo saaray go’aankii Talaadadii Maxkamadda ICJ oo intiisa badan u janjeeray Soomaaliya ayuu sheegay Uhuru Kenyatta inuu inay Kenya diidday gebi ahaanba xukunkaasi, oo aanay marna aqoonsan doonin natiijada maxkamadda.

“Inkasta oo Kenya aysan la yaabin go’aanka, haddana waxay aad uga welwelsan saamaynta uu ku yeelan karo gobolka Geeska Afrika, iyo guud ahaan sharciga caalamiga ah… xagga ixtiraamka madaxbannaanida iyo oggolaanshaha Dawladaha ee hababka garsoorka caalamiga ah ” ayuu Madaxweynaha Kenya ku yiri Bayaan si adag loo qoray oo uu saaray, isagoo ku sugan dalka Mareykanka.

Ad

Wuxuu sheegay isagoo ah abaanduulaha guud ee ciidamada Kenya inuu ilaalin doono Dhulka Kenya, inay ka go’an tahay inuu arrin muranka xuduudka badda ee Soomaaliya ku xaliyo si nabad ah, wuxuuna dadkiisa ku booriyay inay is dejiyaan, wuxuuse caddeeyay in xukunkaasi uu si cad u wiiqi doono xiriirka labada dal.

“Kenya iyo Soomaaliya waa Dawlado daris ah, oo leh xuduud, wadaagana bulshooyin, dhaqan bulsho, iyo xiriiro kala duwan. Go’aankani waxaa suuragal ah inay sii xumeeyo xaaladda nabadda iyo amniga ee Gobolka Geeska Afrika ee nugul ” ayuu ku dooday Madaxweynaha Kenya.

Wuxuu ugu baaqay dallaka caalamka inay xushmeeyaan madax banaanida Kenya iyo xaqa ay leedahay ee ah inay ilaaliso dhulkeeda si kasta oo suuragal ah.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON