Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Puntand oo Madaxda Dowlada Somalia ka dalbaday inay degdeg u joojiyaan… (Akhriso)

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa madaxda dowladda Federaalka looga dalbaday inay si degdeg u joojiyaanyaan fragelinta ay ku hayaan Doorashooyinka Maamullada Jubbaland iyo Galmudug.

War-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay inay ka welwelsan tahay hab-dhaqanka hoggaamineed ee madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hor-imaanaya in dalku yeesho dowladnimo ku dhisan hirgelinta sharciga, iyadoo ku eedeysay Madaxda Villa Somalia inay ku hawllan yihiin, burburinta dowlad goboleedyada dalka iyo iska horkeenidda shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u adeegsanaya qoondada dhaqaalaha ee magaca Soomaaliya lagu soo qaato.

Warkan aya ka dambeeyay telefoonkii uu shalay u riday madaxweyne Farmaajo madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Somalia ay sheegtay inuu ka dalbaday sii deynta xubnaha Guddiga dhismaha wadadda Boosaaso, iyo in dowladda Federaalka ay si siman ugu qeybiso maamullada dhaqaalaha loogu qoondeeyay qorshaha qaran.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON