Thursday, July 17, 2025

Madaxweynaha Puntland oo Caawa ku hoyanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wlei Maxamed Cali (Gaas) ayaa Caawa ku haray magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle kadib markii uu ka qeyb galay caleema-saarkii madaxweynaha maamulkaasi.

C/weli Gaas ayaa noqday madaxweynaha maamul goboleedka kaliya ee ku haray magaalada Jowhar, isagoo caawa wadahadal gaara la leh madaxweynaha uu martida u yahay ee Maxamed Cabdi Waare.

Waa markii ugu horeysay ee C/weli Gaas uu yimaado magaalada Jowhar, isagoo aan hore u imaan caleemosaarkii hore, wuxuuna dhowaan noqday Guddoomiyaha Golaha ay sameysteen maamul goboleedyada, waxaana ku xigeen u ah Madaxweynaha Hirshabeelle.

Khudbadii uu Gaas ka jeediyay caleemosaarkii maanta ka dhacay magaalada Jowhar ayaa ahayd mid degan oo aanay ka muuqaan ololihii iyo eedeyntii maalmahan ay u jeedinayeen  dowladda Federaalka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON