Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa si degdeg ah uga dhoofay magalada Muqdisho isagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Safarka Siciid Deni ayaa yimid saacado kooban kadib markii heshiis laga gaaray, Qodobadda la xiriira Doorashada 2020/2012 oo ay ka mid tahay dhismaha Guddiyada Doorashada, Habraaca Doorashada iyo shuruudaha Mushariixinta, iyadoo xalay saqdii dhexe kadib lasoo saaray dhammaan habraacyada Doorashada.
Afhayeenka Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu Deni muddo bil ah ku sugnaa magaalada Muqdisho, maantana u dhoofay magaalada Nairobi, isagoo aan faahfaahin ka bixin ujeedka safarkiisa.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Puntland uu magaalada Nairobi kula kulmi doono Sarkalka Sirdoonka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Geeska Afrika Xuseen Darwiish Al Shamsi, kaasoo dhowaan la kulmay Madaxweyaha Galmudug, isla markaana Imaaraadka u qaabilsan Doorashada Soomaaliya.
Doorashada 2020/2021 ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn loogu loolamo ayna ka dhex muuqato dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya dalalka Imaaraadka iyo Qatar oo kala taageeraya musharixiinta iska horjeeda.
