Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni oo muddooyinkan ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo aan la shaacin socdaalkiisa ayaa la shaaciyey heshiis uu la saxiixday Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka.
Heshiiskan ayaa la sheegay inuu yahay heshiis wadashaqayn oo Hay’adda Hay’adda Bisha Cas Imaaraadka ay xafiis uga furaneyso Puntland, iyadoo gargaar u fidin doonto dadka ku waxyeeloobay duufaantii dhowaan ka dhacday degaanada Puntland.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan dalka Imaaraadka tan iyo 23-ka bishii Novemabr ayaa heshiiskan la saxiixday Xoghaya Guud ee Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Maxamed Ateeq Al-falahi.
Madaxweynaha Deni ayaa u tegay Imaaraadka arrimo kala duwan, sida dib u soo nooleynta heshiiska ay Imaaraadku hakiyeen ee Qandaraaska Shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka Badda Puntland oo qalalaase ka dhaliyey magaalada Boosaaso iyo arrimo kale oo qarsoodi ah.