Thursday, July 3, 2025

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddigii farsamada ee Shirka Dhuusamareb 3 (Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamul Goboleedyada Dalka oo magacaaba xubnaha Guddiga Farsamada ee ka shaqeynaya Nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa.

Magacaabidda Guddigan ayaa ka mid ahaa go’aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb 2 ee ay ka qeyb galeen Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada dalka, waxaana Guddiga uu ka soo shaqeyn hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.

Qoraal ka soo baxay Madaxweynaha Puntland oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayuu ku magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Puntland oo kala ah:

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland

2- Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Maamul Goboleedyada kale ayaa lag sugayaa min 2 xubnood, iyadoo lagu biirin doono xubnoo ka socota xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON